Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo diiday xilka qaadidii lagu sameeyay

Published

on

Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shirjaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in kulankii maanta xilka looga qaaday aan loo marin hab sharci ah, sheegayna in uu dastuurka Puntland uu baalmarsanaa.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo ayaa sheegay in Puntland ay leedahay nidaam iyo Dastuur lagu dhaqmo wixii maanta dhacayna ay ahaayeen wax lagu qoslo oo aan la aqbali karin.

Hadalka Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo ayaa imaanaya ka dib markii qaar kamid ah Baarlamanka Puntland oo gaaraya 53 Xildhibaan ay kulmeen, kaddib markii ay u codeeyeen mooshin laga soo jeediyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed ayaa waxaa u codeeyay, gacantana u taagay 49 kamid ah xildhibaanadii maanta kulmay, waxayna sheegeen in xilkii ay ka qaadeen Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo Daareed.

Arrintan ayaa waxa ay salka ku hayaa Mooshinkii dhawaan laga soo gudbiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ka dib Mooshinkaas loo rogay dhanka Gudoomiyaha.

Dhinaca kale arrintan maanta dhacday ayaa waxay sidoo kale imaanaysa kadib markii xalay xarrunta Baarlamaanka Puntland uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac, kaas oo la xiriiray xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo Daareed.

Ciidamada weeraray xarrunta Baarlamaanka Puntland ayaa waxay wararku sheegayaan inuu Madaxtooyada maamulka Puntland laga soo amray si xilka looga qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo Daareed waana tan keentay in maanta xilka laga qaado Gudoomiyaha, balse isagu wuu diidan yahay xil ka qaadista.

Trending

Exit mobile version