Wararka Soomaalida
Gudoomiyaha Dallada Jilayaasha aan dowliga ahayn ee SONSA oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Cusmaan Muxyidiin Shaatax oo ah Gudoomiyaha Dallada Jilayaasha Soomaaliyeed ee (SONSA) ka dib markii Gudoomiyaha uu soo dalbaday in uu la kulmo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Gudoomiye Shaatax iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka wada hadlay sidii kaalinta ay bulshada rayidka ah uga […]
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Cusmaan Muxyidiin Shaatax oo ah Gudoomiyaha Dallada Jilayaasha Soomaaliyeed ee (SONSA) ka dib markii Gudoomiyaha uu soo dalbaday in uu la kulmo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Gudoomiye Shaatax iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka wada hadlay sidii kaalinta ay bulshada rayidka ah uga qaadan karto dib-udhiska dalka,nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa Sharafkii iyo karaamadii aan beri lahaynjirnay.
Gudoomiyaha Dallada Jilayaasha aan dowliga ahayn ee Soomaaliyeed Cusmaan Muxyidiin ayaa Ra’iisul wasaaraha la wadaagay wixii talo iyo tusaale ah ee dalkan lagu hormarin karo.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyey Gudoomiyaha talooyinka saliimka ah ee uu la wadaagay wuxuuna kulankii ku soo dhamaaday isu mahadcelin iyo balamo kale oo kan lamid ah si haddana tusaalooyin kale ay isu dhaafsadaan.
Qoraal kooban oo Ra’iisul Wasaaraha uu soo dhigay Boggiisa Twitter-ka oo uu kaga hadlayo kulankan uu la yeeshay Gudoomiyaha Dallada Jilayaasha aan dowliga ahayn Mudane Cusmaan Muxyidiin Shaatax ayaa waxaa uu yiri”Waxa aan maanta xafiiskeyga ku qaabilay guddoomiyaha Dallada jilayaasha aan dowliga ahayn ee Soomaaliyeed (SONSA) mudane Cusmaan Muxyidiin Shaatax. Waxa aan ka wada hadalnay kaalinta ay bulshada rayadka ah ka qaadan karto dib-u-dhiska Dalka”
Mudooyinkii dambe Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa Xafiiskiisa uu ku qaabilayey shaqsiyaad bulshada ka jooga kaalin weyn iyadoo uu ka dhageysanayey talooyinka muhiimka ah ee ay ku biirinayaan.