Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha G/banaadir oo fariin udiray shacabka Muqdisho+Sawiro

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yaroow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo caawa booqday Degmada Yaaqshid ayaa waxaa uu waqti la qaatay qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool degamadaas isagoo ka xog wareystay xaalada amaan ee degmada iyo waxa ay ku biirinayaan oo talo ah habka shaqo ee Maamulka uu Gudoomiyaha ka yahay. Dhalinyarada […]

Published

on

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yaroow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo caawa booqday Degmada Yaaqshid ayaa waxaa uu waqti la qaatay qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool degamadaas isagoo ka xog wareystay xaalada amaan ee degmada iyo waxa ay ku biirinayaan oo talo ah habka shaqo ee Maamulka uu Gudoomiyaha ka yahay.

Dhalinyarada nasiibka uhelay inay la kulmaan oo ay la sheekaystaan Gudoomiye Yariisow ayaa dhankooda la wadaagay in degmada amaankeeda uu fiican yahay ayna rajaynayaan Gudoomiyaha cusub inuu ku soo kordhin doono uuna la,imaan doono shaqo ka hufan tii uu ka hayay degmadan Gudoomiyihii laga bedelay.

Dhalinyaradan xiligii Gudoomiye Yariisow ayaa waxaa uu kula kulmay Garoon lagu ciyaaro ku badda cagta xili weliba ay ku jireen Ciyaarta Kubadda Cagta.

Gudoomiye Yariisow ayaa umahad celiyay dhalinyaradaas caawa uu kula kulamay degmada Yaaqshid sida wanaaga leh ee ay ugu xog warameen xaalada degmada Yaaqshid.

Gudoomiyaha ayaa intaas ka dib shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir ugu baaqay in kaalintooda ka qaataan sugida amniga islamarkaana ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska si loo helo amni iyo xasilooni.

“Horumarka dhalinyarada waa horumarka Soomaaliya Caawa waxaan waqti la qaadanay dhalinyarada Yaaqshiid oo aan la qaadanay cayaar qurux badan, kuna dhoorigelinay dardargelinta horumarka Caasimada Muqdish,Bulshoy la shaqeeya Booliiska si aan u sii dardargelino Sugida Amniga Caasimada oo muhiim noo wada ah. Nabad & Nolol waarta ayaan horumar ballaaran ku gaari karnaa”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow.

Booqashadan caawa uu ku tagay degmada Yaaqshid Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow ayaa waxay imaanaysaa ka dib markii dhowaan uu xilkii ka qaaday Gudoomiyihii degmadaas Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed una magacaabay booskaas Muuse Geesey Jicmaale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version