Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha Gaarisa oo baaq udiray Madaxda Soomaalida

Cali Bunow Qorane Gudoomiyaha Gaarisa ee Gobolka Waqooyi beri ee dalka Kenya oo ka mid ahaa Madaxdii lagu casuumay xafladii caleemo Saarka Madaxda Puntland mar uu khudbad ka jeediyey Madasha ayaa waxaa uu fariin udiray dhamaan Madaxda Soomaalida in ay ka tagaan wax allaale wixii dib udhigaya horumarka Soomaaliya ayna ka wada tashadaan siwadajir ah […]

Published

on

Cali Bunow Qorane Gudoomiyaha Gaarisa ee Gobolka Waqooyi beri ee dalka Kenya oo ka mid ahaa Madaxdii lagu casuumay xafladii caleemo Saarka Madaxda Puntland mar uu khudbad ka jeediyey Madasha ayaa waxaa uu fariin udiray dhamaan Madaxda Soomaalida in ay ka tagaan wax allaale wixii dib udhigaya horumarka Soomaaliya ayna ka wada tashadaan siwadajir ah aayaha Soomaaliya.

Cali Bunow Qorane ayaa sidoo kale sheegay in dalka Soomaaliya uu ku jiro dhibaato aan dhamaad lahayn 28 sano ayna soo dhowdahay sanad guuradii Sodonaad ee ka soo wareegatay burburkii Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gaarisa Cali Bunow Qorane ayaa sheegay in Gobolka uu Gudoomiyaha ka yahay ay ku nool yihiin in ka badan (3000)Kun oo qoys oo Soomaaliyeed kuwaasoo ka barakacay dalka Soomaaliya xiligii colaada.

Wuxuu ugu dambeyn ugu baaqay hogaamiyaasha Soomaalida in ay ka taliyaan aayaha umadda Soomaaliyeed si dalka iyo dadkuba ay uga baxaan dhibaatada daashatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version