Wararka Soomaalida
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo casuumaad usameeyey Culimada+sawiro
Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Magaalada Muqdisho ayaa casuumaad usameeyey Culimada shirka leh Magaalada Muqdisho. Culimadan casuumaada loogu sameeyey Muqdisho ayaa waxay ka shirayaan sidii xal waara looga gaari lahaa xaalada amaan ee Soomaaliya siiba caasimadda Soomaaliya waxaana Shirkan ay ku lafa gurayaan xaaladahaas dhawaan u furay Madaxweynaha Soomaaliya […]
Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Magaalada Muqdisho ayaa casuumaad usameeyey Culimada shirka leh Magaalada Muqdisho.
Culimadan casuumaada loogu sameeyey Muqdisho ayaa waxay ka shirayaan sidii xal waara looga gaari lahaa xaalada amaan ee Soomaaliya siiba caasimadda Soomaaliya waxaana Shirkan ay ku lafa gurayaan xaaladahaas dhawaan u furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow ayaa dhankiisa waxaa uu ku booriyey Culimada in kaalin mira dhala ah ka qaataan xaalada dalka hadda uu marayo.
Casuumadan loo sameeyey Culimada ayaa waxaa ka qayb galay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed Khadar,wasiiro,Xildhibaano iyo Siyaasiyiin.
“waxaan casho sharaf u sameynay Culimada Soomaaliyeed oo Muqdisho uga socda Shirweyne Qaran,doorka Culumada ee Amniga iyo Dib-u-heshiisiinta waa muhiim”
Waa shirkii ugu horeeyey ee Culimada ay shir ka yeeshaan xaalada dalka haatan uu marayo.