Wararka Soomaalida
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo magacaabay Gudoomiyaal cusub
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa maanta wareegto ku magacaabay seddax degmo oo ka mid ah gobolka Banaadir iyadoo horay Gudoomiyaashii degmooyinkaas ay ugu geeriyoodeen qaracii 24 July ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.
Qaraxaasoo sidoo kale uu ku geeriyooday gudoomiyihii gobolka Banaadir ENG Yariisow iyo mas’uuliyiin kale oo ka mid ahaa maamulka Gobolka Banaadir.
Haddaba Gudoomiye Cumar Finish ayaa wuxuu umagacaabay Gudoomiyaal cusub degmooyinka Shangaani iyo Waaberi.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Shingaani ayaa waxaa loo magacaabay Aweys Camuudi sida ku xusan Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cumar Finish
Aweys Camuudi ayaa bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmada Shangaani Sahra Markeesi oo ku geeriyootay Qaraxii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Cabdicasiis Cismaan Jaamac ayaa loo Magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Waaberi kaasoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas Allaha u naxariistee Mahad Cilmi oo ku geeriyooday Qaraxii 24-kii July ee 2019 ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Axmed Maxamuud Diiriye ayaa isna loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Waxaa weli banaan xilka gudoomiyaha degmada C/casiis oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay xarunta Dowlada hoose ee Xamar.