Wararka Soomaalida

Dhaawicii ka dib Gudoomiyaha Wardhiigleey oo dib usoo laabatay

Published

on

Saynab Maxamuud Warsame (Saynab xaabsey) ayaa galabta dib ugu soo labatay Magaalada Muqdisho iyadoo ka soo kabatay dhawacii ka soo gaaray qarixii aqalka hoose ee xamar ka dhacay 24 July ee sanadkan 2019-ka ka dhacay waxaana sidiiran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyadoo dalka Qadar ka timid ka dib markii halkaas loo geeyay xaalad Caafimaad dhaawicii ka soo gaaray qaraxii xarunta maamulka Gobolka Banaadir ka dhacay awgeed.

Qaraxii 24 July 2019-kii maalin arbaco ah ka dhacay xarunta dowladda hoose ee xamar ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii sida halista ah ugu dhaawacmay Gudoomiyihii gobolka Banaadir ahnaa duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo gudoomiyaha Wardhiigleey ee hadda ka soo kabatay dhaawacaas Saynab Maxamuud Warsame (Saynab Xaabse) inkastoo Gudoomiye yariisow udhintay dhaawacii soo gaaray.

Saynab Maxamuud Warsame (Saynab Xaabsey) Gudoomiyaha Wardhiigleey ayaa umahad celisay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ka dib markii dhaawaceedii oo halis ahaa daweyn caafumaad oo heer sare ah dalka dibaddiisa ugu qaadeen si fiicana loola tacaalay ilaa ay ka caafimaadana laga war hayay.

Gudoomiyaha Wardhiigleey Saynab Xaabse oo 24 July ilaa hadda ku jirtay Isbitaal ku yaala dalka Qadar ayaa maanta dib ugu soo laabatay shaqadeedii ee degmada ka dib markii ka soo bogsootay dhaawicii soo gaaray iyadoo dhaawac halis ah ka soo gaaray qaraxaasi waxaana ka dhaawacantay lug oo weliba bur bur xoog leh lugta ka soo gaaray iyo sodoo kale dhinaca Caloosha oo firar farabadan ka galay.

Saynab Maxamuud Warsame (Sanab Xaabsey) oo Saxaafadda kula hadashay Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegtay in xaaladeeda Caafimaad aad uwanaagsan yahay wixii dhaawac ahaa ee soo gaaray ka soo bogsootay ka dib daweyn caalami ah oo ay ka heshay dhaqaatiirta Qadar.

Trending

Exit mobile version