Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani oo baaq deg deg ah diray

Published

on

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa wuxuu ka hadlay xaalada Fatahaada Wabiga Shabeele ee uu ku sameeyay magaalada Beledweyne wuxuuna ku tilmaamay arin aan laga aamusi karin inay tahay waxa ka taagan magaalada Beledweyne iyo Fatahaada Wabiga Shabeele.

“Walaalayaal waxa aan sinnaba looga aamusi karin masiibada dabiiciga ah ee ku habsatay dadka Soomaaliyeed ee ku teedsan Wabiga Shabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne,Sawirada iyo muuqaalada argagaxa leh ee laga soo tebinaya waxa ay inoo muujinayaan waxyeelada weyn ee soo gaadhay dadkaa Soomaaliyeed ee aynu walaalaha nahay isla markaana dhiig iyo dhaqanba wadaagno. Waxa aan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa kana codsanayaa in ay u fidiyaan gargaar isla markaana gacan ka geystaan gurmadka loogu jiro samata-bixinta shacabka waxyeeladu soo gaadhay ee reer Baladweyn anigoo ka damqanaya dhibtaas hadalkaygu ku soo xidhayaa Baladweyn Allahayow balayaada hareer mari”ayuu qormadiisa ku soo xiray Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa waxaa uu yahay shaqsiga kaliya ee ka soo jeeda gobolada Woqooyi ee ka hadla wixii dhibaato ah ee ka dhaca gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ama wixii horumar ah ee lagu talaabsado iyadoo shacab weymaha Soomaaliyeed uhayaan xushmad iyo qadarin weyn.

Trending

Exit mobile version