Wararka Soomaalida

Gudoomiye Cirro oo dhaliil xooggan u jeediyay Muuse Biixi

Published

on

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo shir Saxaafadeed ku qabtay magaalada Hargaysa Soomaaliland ayaa siweyn u dhaliilay habka maamul ee uu wax ku hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Soomaalilamd Muuse Biixi Cabdi wuxuuna ku dhaliilay hogaan xumo.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa haddaba shaqa xumida Muuse Biixi Cabdi ka soo saaray 10 qodob oo kala ah.

Hoggaaminta Muuse Biixi labadii sanno ee uu xilka hayey, waxa ay noqotay oo ay isugu soo biyo shubatay tobankan qodob iyo kuwa la mid ah:

  1. Kala qeybinta iyo kala irdheynta shacabka Jamhuuriyadda Somaliland halkii uu ka mideyn lahaa.
  2. Ku xad-gudubka iyo ku tumashada dastuurka iyo xeerarka dalka, isaga oo waajibkiisa koowaad yahay ilaalintooda laguna dhaariyey, waxaana tusaale cad ah oo aad maanta wada ogtihiin in aanay wax sharci ah ku fadhiyin golayaasha deegaanka iyaga oo muddo xileedkoodii dhammaaday, muddo kordhina aan wali loo samaynin.
  3. Faro-gelinta nidaamka ganacsiga xorta ah ee uu jideeyey dastuurka dalku.
  4. Xakameyn la’aanta sicir bararka xadhkaha goostay ee ragaadiyey noloshada dhammaan shacabka reer Somaliland.
  5. Hoos u dhaca weyn iyo dabaca ku yimid amniga gudaha, taas oo sababtay in ay ka dillaacaan markii ugu horeysay Somaliland jabhado hubeysan dalka gudihiisa.
  6. U adeegsiga awoodda qaranka dano shakhsi ah oo uu dhul boob iyo ganacsi ugu horreeyo.
  7. Caadeysiga ku tumashada xuquuqal insaanka, cabudhinta xorriyadda saxaafadda madaxa bannaan, xadhiga joogtada ah ee madaxda axsaabta iyo muwaadiniinta kala duwan.
  8. Baahsanaanta maamul xumada iyo musuqmaasuqa maamulkiisa ka jira.
  9. In ay luntay kalsoonidii beesha caalamka ee dalkani ka sugayey ictiraafka.
  10. Meyd maxaa u dambeeyey? Iyo kaa la sii sido, waxa ayaynu shalay u soo taagneyn dhammaanteen in hannaankii dimuqraadiyadda iyo rejadii doorashada hadhcad lagu gowracay horteena iyo sida ay saylad uga dhigteen golihii wakiilada.

Trending

Exit mobile version