Wararka Soomaalida
Gudoomiye Cumar Finish oo khudbad ka jeediyay shirkii Durban South Africa
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qayb galay shirka Global Parliament of Mayors (GPM) ee ka dhacay Magaalada Durban ee dalka South Africa ayaa wuxuu ka jeediyay khudbad diirada uu ku saaray horumarka ka jira Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo dhinaca amniga ee Caasimada heerka uu marayo.
Gudoomiye Cumar Finish ayaa khudbadiisa wuxuu ku sheegay in Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho horumar lataaban karo ku talaabsatay dhinaca amniga mar uu soo hadal qaaday xaalada amni ee Muqdisho wuxuu sheegayGudoomiyaha in amni fiican oo wanaagsan hadda uu ka jiro Muqdisho maalin iyo habeen Ciidamada amniga utaagan yihiin sugida amniga.
Cumar Finish ayaa sidoo kale sheegay markii loo eego marxaladihii adkaa ee Soomaaliya soo maray iyo meelaha hadda wax umarayaan ee dhinaca wanaaga ah kaafi iyo kala dheeri yihiin ayna ku sii talajiraan inay sii xoojiyaan oo meel ka saraysa meesha hadda wax marsiinayaan ka sii saramariyaan.
“Khudbad aan ugu hadlayay xaalada Magaalada Muqdisho iyo isbadalada horumarka leh ee caasimadda kajira ayaan ka jeediyay shirka Duqa magaalooyinka caalamka Global Parliament of Mayors (GPM) kaas oo ka qabsoomay dalka South Africa gaar ahaan magaalada Durban”ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish.
Gudoomiyaha inta uu ku sugan yahay magaalada Durban ee dalka South Africa ayaa wuxuu shirar duceedyo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta shirkaas ka qayb gashay.