Wararka Soomaalida
Gudoomiye Cumar Finish oo amar bixiyay
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Gaadiidka iyo waaxda Dhulbixinta maamulka Gobolka Banaadir oo hadda dib u dayactir ku socda.
Gudoomiye Cumar Finish ayaa si dhameystiran u kormeeray dhamaan xarunta gaadiidka iyo waaxda Dhulbixinta Gobolka Bamaadir wuxuuna amar ku bixiyay in si deg deg ah loo soo afjaro shaqada dib udayactirka ah ee hadda ka socota xarumaha Gaadiidka iyo waaxda Dhulbixinta si xarun walba shaqadii lagu qaban jiray dib loogu howlgaliyo.
Xarumahan oo ku yaalla degmada Wardhiigleey ayaa waxaa shaqo ugu dambaysay muddo hadda laga joogo 30 sano iyadoo xarumahan saameeyeen kuna burburay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.
Howlaha dib udayactirka ah ee xarumahan hadda ka socda ayaa waxaa bixiyay Gudoomiye Cumar Finish.