Wararka Soomaalida
Gudoomiye Cumar Finish oo ka hadlay ansixinta Sharciga la dagaalanka Musuqa
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish oo maanta ka mid ahaa madaxdii ka qayb gashay munaasabadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku saxiixay sharciga la dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo dhismaha Gudiga ladagaalanka Musuq-Maasuqa loo xil saaray ayaa si weyn usoo dhaweeyay talaabadaas uu ku dhaqaaqay Madaxweynaha.
Gudoomiye Cumar Finish ayaa sharcigan saxiixiisa iyo magacaabista Gudiga la dagaalanka Musuq-Maasuqa ku tilmaamay mid waxweyn ku soo kordhinaya hanaqaadka dhaqaale ee dalka Soomaaliya.
“Sharciga la dagaalanka Musuq-maasuqu ee maanta saxiixay Madaxweyne Farmaajo waxuu dhabaha u xaarayaa horumarka dhaqaale ee dalka in laga gaaro iuo dib u dhiska dhaqaalaha guud ahaan ee dalka”ayuu yiri Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho.
Sharcugan maanta uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo ayaa in muddo ah fulintiisa laga sugayay iyadoo maanta qalinka uu ku duugay iyadoo aqoon yahano iyo siyaasiyiin ay soo wada dhaweeyeen talaabadaas uu qaaday Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.