Wararka Soomaalida

Gudoomiye Cumar Finish oo ka hadlay Caawinta agoonta

Published

on

Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa booqday xero lagu xanaaneeyo dhalinyarada waalidkood ku waayay dagaalka lagula jira kooxda Al shabaab ee ka tirsanaa Ciidanka xoogga dalka iyo hay’adaha Dowladda federaalka Soomaaliya kuwaas oo dowladda federaalka Soomaaliya usamaysay xarun gaar ah oo lagu xanaaneeyo.

Dhalinyaro iskuuga jira Rag,dumar iyo kuwo yaryar oo wali aan qaangaarin oo ka mid ah caruurta Aabiyaashod iyo hooyooyinkooda ku dhinteen qaraxyada ismiidaaminta ubadan ee ka dhaca Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, dagaalka lagula jira kooxda Al shabaab iyo sidoo kale kuwa waalidkod ay dileen kooxdaas ayaa maanta waxaa booqday Gudoomiye Finish.

Gudoomiye Cumar Finish ayaa xog wareystay xaalada ay ku sugan yihiin caruurtan iyagoo usheegay inay haystaan nolol wanaagsan Caafimaad iyo waxbarasho kaliya ay tabayaan waalidiintooda iyagoo gudoomiyaha usheegay in kaalintii waalidnimo ay ka heleen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Markii uu booqanayay xaruntaas Gudoomiyaha Gobolka Banaadir caruurtan iskuuga jira yaryar iyo waaweyn ayaa kuwa waaweyn waxay ku jireen samaynta Jimicsiga oo subax walba sameeya Jimicsigaa inta aanay aadin goobaha waxbarashada iyadoo Gudoomiyaha aad ugu farxay muuqaalka quruxda badan iyo farxadda ka muuqatay Agoontaas.

“Mamulka Gobolka Banaadir waxuu mar walba u taagan yahay gacan siinta bulshada Caasimadda, gaar ahaan waxaan xil gaar ah iska saaraynaa Agoonta oo xiligan u baahan daryeel, gaar ahaan Waxbarasho iyo bar-baarin wanaagsan”ayuu yiri Gudoomiye Cumar Finish.

Trending

Exit mobile version