Wararka Soomaalida

Gudoomiye Cumar Finish oo ka hadlay shaqada Gudoomiyaasha

Published

on

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa waxaa uu ka hadlay shaqada Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo waxa uu ka yeeli doono bilaha soo socda ka dib markii uu u kuurgalay habka shaqo ee mas,uuliyiinta Degmooyinka.

Gudoomiye Cumar Finish ayaa sheegay in Gudoomiye walba uu ku qiimayn doono sida shaqadiisa ugu soo baxo iyo u,adeegida bulshada ee shaqada loo qabanayo shacabka ku nool degmooyinka Muqdisho ka dibna go,aan uu ka qaadan doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa intaas ku daray hadalkiisa inuusan xalka hayn doonin Gudoomiye degmo haddii ay ku cadaato adeega bulshada oo liidata degmada uu mas,uulka ka yahay sida ugu dhaqsiyaha badana ubedili doono.

“Guddoomiye degmo waliba waxaan ku qiimeyn doonaa shaqada uu la yimaado, anaguna waan kula xisaabtamaynaa in shacabka loo qabtay adeegyadii maamulka laga sugayay”ayuu yiri Gudoomiye Cumar Finish.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa ku cusub shaqada Gobolka Banaadir wuxuuna xilkan hayaa wax ka yar bil ka dib markii lagu magacaabay tigreeto Madaxweyne waxaana la filayaa inuu la imaan doono isbadal weyn oo dhanka Gudoomiyaasha degmooyinka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version