Wararka Soomaalida
Gudoomiye Cumar Finish oo kormeeray meelaha daadadka ku dhufteen
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish iyo ku xigeenadiisa ayaa caawa kormeer shaqo ku tagay xaafadaha degmooyinka daadadka ay ku soo rogmadeen ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha oo booqday qaar ka mid ah qoysaska daadadka biyaha guryaha ugugaleen ayaa mid mid u xog wareystay sida xaalka uu yahay iyagoo usheegay xaalada dhabta ah ee caawa ka jirta gobolka Banaadir iyo shacabka ku nool sida xaalkooda uu yahay.
Gudoomiye Cumar Finish ayaa usheegay qoysasaka inay deg deg ula soo xiriiraan xarunta degmada haddii xaalad khatar ah la soo gudboonaato inta wax uqabashada ubaahana ay caawinayaan.
Gudoomiyaha oo Saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in caawa gobolka Banaadir uu ka da’ay roob saamayn keenay daadad badan ku rogay xaafadaha shacabka dhankoodana wixii ay awoodaan ee kaalmo ah diyaar la yihiin.
“Waxaan caawa kormeer shaqo ku sameynay degmooyinkii ay sameeyeen roobabkii ka da’ay Caasimadda, laamaha Dowladda Hoose iyo waaxyaha gurmadka degdegga ahna waxay u taagan yihiin ka hortagga dhibaatooyinka binu aadan tinimo ee xilliyada roobabka soo food saara dadka danyarta ah”ayuu yiri Gudoomiye Cumar Finish.