Wararka Soomaalida
Gudoomiye degmo oo dhaawacay xubin maamilkiisa ka tirsan
Xasan Xaaji Axmed darafey gudoomiyaha degmada Warsheekh ee shabeelada dhexe ayaa maanta dhaawac ugaystay xubin ka tirsan maamulka uu gudoomiyaha ka yahay ka dib rasaas silamafilan ah ufakatay.
Dhaawaca xubintan ka tirsan maamulka degmada Warsheekh ee Gudoomiye Xasan Xaaji Axmed ugaystay ayaa timid ka dib xili labarayay qaabka loo isticmaalo Bastoolad uu soo gatay ka dibna silamafilaan ah ugu fakatay rasaastii ku jirtay Bastoolada Gudoomiyaha xiligaas oo kan dhaawaca ah uu la joogay Gudoomiyaha.
Dhaawaca soo gaaray xubintan ka tirsan maamulka Warsheekh ayaa ah mid aad ufudud sida aan wararka ku helayno waxaana la dhigay xarun caafimaad oo ku taala degmada Warsheekh.
Shaqsigan dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in hadda xaaladiisa caafimaad fiicantahay ka dib markii latacaalid caafimaad lagu sameeyay.