Wararka Soomaalida

Gudoomiye lagu dilay Shabeelaha hoose oo warar ay ka soo baxayaan

Published

on

Cumar Maxamed Cilmi Carabey Gudoomiye ku xigeenkii arimaha bulshada Shabeelaha hoose ayaa caawa waxaa dablay hubaysan ay ku dileen hoygiisa oo ku yaala degmada Afgooye ka dib markii guriga ku weerareen Bam gacmeed sida aan wararka ku helnay.

Marxuumka oo dhaawac culus soo gaaray ayaa waxaa loo soo qaaday Muqdisho intii dhacda lagu soo jiray ayuuna ugeeriyooday dhaawacii soo gaaray marxuum Cumar Carabay.

Marxuum Cumar Carabey ayaa la sheegay in caawa ay ka maqnaayeen ilaaladii qaabilsanayd amaankiisa ka dibna lagu soo qaaday weerarkaasi ee lagu dilay.

ilaa hadda cid sheegatay majirto dilka mas’uulkaas ee caawa lagu dilay gurigiisa.

Trending

Exit mobile version