Wararka Soomaalida

Gudoomiye Maxamed Mursal oo gaaray Xudur+Sawiro

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi iskuuga jira Wasiiro iyo Xildhibaano labada Aqal ah ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ka dib markii ay ka duuleen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Wafdiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Xudur ku soo dhaweeyay […]

Published

on

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi iskuuga jira Wasiiro iyo Xildhibaano labada Aqal ah ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ka dib markii ay ka duuleen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Xudur ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo horay ujoogay Xudur.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa umahad celiyay wafdiga Gudoomiyaha Baarlamanka safarka ay ugu yimaadeen Magaalada Xudur.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Musal ayaa dhankiisa umahad celiyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed dadaalada ay ka wadaan Xudur.

Xog uu helay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaysa in ma’uuliyiintan iskuuga tagtay Xudur ujeedkooda uu yahay xalinta dhibaato ka taagan Xudur iyo nawaa xigeeda sida aan xogta ku helnay.

Dhibaataas ayaa waxaa naloogu sheegay inay tahay Maleeshiyo hubaysan oo ku sugan deegaan xoogaa ka baxsan Xudur oo maalmahaan dhibaato ka waday Maleeshiyadaas hubaysan iyagoo horay ugu mid ahaa Ciidanka Xoogga dalka ka dibna gadood awgeed Maleeshiyo isku bedelay kuna sugan Tuulooyin hoos yimaada degmada Xudur iyo isla Xudur sidii hub ka dhigis loogu samayn lahaa iyadoo wax dhibaato ah ka dhicin Xudur iyo deegaanada hoos yimaada sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah Xildhibaanada la socda wafdiga Gudoomiyaha Baarlamanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version