Wararka Soomaalida

Gudoomiye Mursal oo gudi usaaray dilalkii Galmudug

Kal fadhigii Golaha shacabka ee maanta ayaa waxaa siweyn looga dooday arimaha ka soo cusboonaaday deegaanada deegaanada Maamulka Galmudug ee lagu ugaarsanayo shacabka ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed. Qaar ka mid ah Golaha shacabka ayaa aad ucabaareeyay xasuuqii safmareenka ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo dhinaca Koonfureed ee Maamulka Galmudug iyadoo halkaas hal […]

Published

on

Kal fadhigii Golaha shacabka ee maanta ayaa waxaa siweyn looga dooday arimaha ka soo cusboonaaday deegaanada deegaanada Maamulka Galmudug ee lagu ugaarsanayo shacabka ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Qaar ka mid ah Golaha shacabka ayaa aad ucabaareeyay xasuuqii safmareenka ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo dhinaca Koonfureed ee Maamulka Galmudug iyadoo halkaas hal habeen lagu laayay 15 qof oo badankood ahaa qoysas ka soo jeeday deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta dhacdadaas foosha xun iyo tii ka horaysay ee ka dhacday duleedka Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud usaaray gudi ka kooban 13 xubnood.

Gudigan ayaa waxay ka wada tirsan yihiin dhamaan Golaha shacabka wuxuuna ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan usoo baaraan wixii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo duleedka Dhuusamareeb.

Hoos ka Akhriso magacyada gudiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version