Wararka Soomaalida

Gudoomiye Yariisow iyo dhaawacyo kale oo QATAR loo qaaday+Sawiro

Galabta magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga duuliyay dhaawaca Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisow iyo Gudoomiyaha degmada Wardhiigleey Saynab Xaabsey ka dib markii xaaladooda Caafimaad waxba loogu qaban waayay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho. Mas,uuliyiintan oo dhaqtarka Digfeer shalay galab la dhigay Xalay ilaa maantana ku jiray ayaa markii dambe […]

Published

on

Galabta magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga duuliyay dhaawaca Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisow iyo Gudoomiyaha degmada Wardhiigleey Saynab Xaabsey ka dib markii xaaladooda Caafimaad waxba loogu qaban waayay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Mas,uuliyiintan oo dhaqtarka Digfeer shalay galab la dhigay Xalay ilaa maantana ku jiray ayaa markii dambe waxaa go,aan Deg Deg ah lagu gaaray in Caafimaad dalka dibadiisa ah loogu qaado waxaana loo qaaday dalka QATAR halkaas oo la rajaynayo in la tacaalid Caafimaad loogu samayo.

Dhaawaca Gudoomiyaha ayaa wuxuu ka soo gaaray Caloosha iyo Madaxa oo ka galay Firirkii biraha miisaanka culus leh ee qaraxii iyadoo Xalay labo jeer Qaliin ay ku sameeyeen dhaqaatiirta ka howl gasha Isbitaalka Digfeer ee Turkida udhashay waxaana dhaqaatiirta dad ka agdhow laga soo xigtay inay ku guulaysteen Qaliinka qeybta Caloosha laakiin kan Madaxa ay ku dhiiran weeyeen inay Qaliin ku sameeyaan.

Gudoomiye Yariisow ayaa waxaa la sheegay in Madaxa Bir ka gashay iyadoo labo (Sitimitir) Birta gudaha ugashay Madaxa sida ay cadeeyeen dhaqaatiirta waana midda keentay in Dhaqaatiirta Turkida ah ay ku dhiiran waayaan Caafimaad dibadda ahna loogu qaado.

Gudoomiyaha Wardhiigleey Saynab Xaabsey ayaa waxaa la sheegay in dhaawac culus uu ka soo gaaray qaraxaas iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in qeebaha hoose ee jirkeeda burbur uu soo gaaray sida intabadan la hadal hayo.

 

 

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisow ayaa markii uu ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Hoolka shirarka ee xarunta Gobolka Banaadir ilaa hadda ku jira xaalad Miir dabool ah sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah mas,uuliyiintii ka badbaaday qaraxaasi.

Gudoomiye Yariisow ayaa waxaa weheliya qaar ka mid ah mas,uuliyiinta qaba dhaawacyada culus waxaana Magaalada Muqdisho galabta ka qaaday Diyaarad nooca gurmudka deg deg ah ee Ambulance.

Dhaawaca Gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee loo qaaday dalka QATAR ayaa waxaa horay uraacay qaar ka mid ah xubnihii gudiga ee xalay ay magacaabeen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo ku xigeenkiisa Mahadi Maxamed Guud ee iskuuga jira Wasiiro iyo Xildhibaano halka qaarna ay sagootiyeen ka dibna ka soo laabtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version