Wararka Soomaalida
Gudoomiye Yariisow oo ku dhawaaqay Cafis guud+Sawiro
Kulan balaaran oo galabta ka dhacay Beerta nabadda ayaa waxaa ka qeyb galay shacab farabadan waxaana kulankaas looga hadlayay barnaamijka iscafinta shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dhalinyarada ku nool Muqdisho waxaana ka qeyb galay mas,uuliyiin uu ka mid ahaa Gudoomiye Yariisow iyadoo dadkii ka qeyb […]
Kulan balaaran oo galabta ka dhacay Beerta nabadda ayaa waxaa ka qeyb galay shacab farabadan waxaana kulankaas looga hadlayay barnaamijka iscafinta shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dhalinyarada ku nool Muqdisho waxaana ka qeyb galay mas,uuliyiin uu ka mid ahaa Gudoomiye Yariisow iyadoo dadkii ka qeyb galay barnaamijkaas iscafinta ah salaanta iskiiiga qaadayeen marka hore icafi iyo ereyo kale.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar oo khudbad dheer ka jeediyay kulankaas ayaa wuxuu sheegay inuu cafiyay cid kasta oo wax dhaxmareen sidoo kale wuxuu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay iska cafiyaan shaqsiyadiisa cid Allaale cidii dhankiisa wax ka tabanaysa.
“Galabta waxaan dhalinyarada kala qeybgalay xaflada CAFIS oo Beerta Nabada lagu qabtay waxaan ballanqaaday in aan cafiyo cid walba, sidoo kale ka codsaday shacabka in aan is wada cafino si aan midnimadeena iyo wadajirkeena uga wada shaqeyno”ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.