Wararka Soomaalida
Gudoomiye yariisow oo qaabilay safiirka Sudan+sawiro
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ENG Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Sudan oo uu hor boodayey Safiirka Sudan ee Soomaaliya Kalfallah Mustafa Babikir. Kalfallah Mustafa Babikir iyo Gudoomiye Yariisow ayaa ka wada xaajooday sidii loo mataaneynlahaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Khartoum ee ah Caasimadaha wadamada Soomaaliya iyo Sudan. Yariisow iyo Kalfallah […]
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ENG Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Sudan oo uu hor boodayey Safiirka Sudan ee Soomaaliya Kalfallah Mustafa Babikir.
Kalfallah Mustafa Babikir iyo Gudoomiye Yariisow ayaa ka wada xaajooday sidii loo mataaneynlahaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Khartoum ee ah Caasimadaha wadamada Soomaaliya iyo Sudan.
Yariisow iyo Kalfallah ayaa isku raacay in la mataaneeyo Caasimadaha Soomaaliya iyo Sudan ee Khartoum iyo Muqdisho sida ugu dhaqsiyaha badana loo dar-dargeliyo qabsiomidda howlahaas.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (ENG Yariisow) iyo Safiirka Sudan ee Soomaaliya Kalfallah Mustafa Babikir ayaa sidoo kale kawada hadlay is dhaafsiga arrimaha Ganacsiga labada Caasimadood.
Ugu dambayntii waxay isku raaceen ganacsatada Soomaaliya ee Muqdisho xarumaha ganacsi ku leh iyo Ganacsatada Sudan ee Caasimadda Sudan ee Khartoum ganacsiga ku leh in ay wada kulmaan si wadashaqayn dhinaca Ganacsiga ah ay u dhexmarto.
“Waxaan maanta xafiiska iigu soo booqday Safiirka Sudan Kalfallah Mustafa Babikir oo aan ka wadahadalnay mataaneynta Muqdisho iyo Khartoum iyo arrimo kale”
Gudoomiye Yariisow ayaa tan iyo markii loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho waxaa uu wadaa dadaal ku saabsan sidii u hormarin lahaa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyadoo shirar dalka dibadiisa iyo Muqdisho kula yeeshay khubaro ajanabi ah si bilicda Caasimadda qaabka hadda ay ku sugan tahay wax weyn looga bedeli lahaa.