Wararka Soomaalida

Gudoomiyihii Baarlamanka Puntland oo xilkii laga qaaday

Published

on

Ka dib dagaalkii xalay ka dhacay xarunta Baarlamanka Puntland ayaa waxaa kulan deg deg ah saaka iskuuga yimid qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Puntland oo gaaraya 53 Mudane.

Ujeedada kulanka deg deg ah ayaa wuxuu ahaa in xilka laga qaado gudoomiyaha baarlamanka Puntland waxaana ucodaysay in xilka laga qaado Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo Daareed 49 Xildhibaan oo gacan taag ahaa halka 4 xildhibaan ay ka aamuseen.

Waxaa sidaas ku dhawaaqay Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan oo kulanka shir gudoominayay wuxuuna ku dhawaaqay in Gudoomiye Dhoobo Daareed xilkii ay ka qaadeen.

Haddaba xaaladan siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Puntland ayaa isku bedeshay dibad baxyo rabshado wata ka dib go,aanka ay qaareen qaar ka mid ah Xildhibaanada Puntland dibad baxayadaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Garowe,Qardho iyo Dhahar iyadoo shacabka ku nool degmooyinkaasi ay dhigayeen.

Lama oga sida ay ku dambayn doonto xaalada siyaasadeed ee Puntland hadda ka bilaabatay iyo halka ay saldhigan doonto.

Trending

Exit mobile version