Wararka Soomaalida
Gudoomiyihii degmada Awdheegle oo qarax lagu dilay
Gudoomiyihii Degmada Awdheegle Maxamed Abuukar Aweys ayaa galabta wuxuu ka soo baxay Awdheegle wuxuuna ku soo wajahnaa degmada Afgooye waxaana wada loo geliyay qarax.
Gudoomiyaha ayaa ku dhintay qaraxaasi wada loo geliyay sida uu inoo xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali Najax.
Qaraxa lagu dilay Maxamed Abuukar Aweys ayaa waxaa sheegtay Al shabaab.