Wararka Soomaalida
Gudoomiyihii hire Gobolka Banaadir Taabid oo si adag uga hadlay dagaalka Mudug
Dagaalka ka socda deegaano ka mid ah Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo ayaa waxaa si adag uga hadlay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed wuxuuna ku tilmaamay nasiib daro soo wajahday dalka iyo dadka Soomaaliyeed in wax yaabo jaahilnimo ahaa oo laga soo gudbay hadda dib ugu bilowdaan qeebo ka mid ah Soomaaliya.
Taabid Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay Maleeshiyaadka islaynaya in sida ugu dhaqsiyaha badan loo lakala dhaxgalo si loo badbaadiyo intayar ee harsan waxaa kaloo si gaar ah ugu baaqay Maleeshiyada dagaalamaya inay joojiyaan dagaalka micinadarada ah ee dhiiga ku daadanaya.
“Waa nasiib daro iyo wax laga xumaado dagaallada ka socda bariga Gobalka Mudug. Sida aan xogta ku helnay dhimashada iyo dhaawucuba waa daraasiin, ilaa haddana cid ku baxday in ay joojiso ma jirto Walaallaha dagaallamaya waxaan ka codsaneynaa in ay xabadda joojiyaan, oo ay Alle iyo maalinta qiyaamo xusuustaan,ummada Soomaaliyeed colaad waa ka daashay mana xamili karto iney dad kale uga dhintaan maamullada ka jira Gobalka Mudug waxaan ugu baaqeynaa in ay masuuliyaddooda qaataan oo ay ciidamo kala dhex dhigaan walaallaha sheydaanku isku diray waa iney dhaawacyada gurmad u fidiyaan, kadibna ay abuuraan jawi looga hadli karo waxa dhacay, kaasoo keeni kara xal-waara. Sidoo kale Dowladda Federaalka waxaa la gudboon in iyaduna ay qaado tallaabooyin wax ku ool ah,Allaha kala qaboojiyo walaallaha isma-hurtada ah ee sheydaanku qaaday”ayuu ku soo qoray Page-ka uu ku leeyahay Facebook.
Xaalada aad u adag ayaa waxay ka taagan tahay deegaanada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo ee Gobolka Mudug ka dib markii dagaal xooggan uu dhaxmaray Maleeshiyaad aad uhubaysan.