Wararka Soomaalida

Taabid iyo Dr Cabdinuur oo ka wada hadlay doorashada Soomaaliya

Published

on

Taabid Cabdi Maxamed Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa kulan ku saabsan doorashada Soomaaliya la qaatay Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Qaranka Soomaaliyeed Dr.Cabdinuur Sheekh Maxamed.

“Guddoomiye Dr Abdinur, waxaan ka wada hadalnay arrimaha masiiriga ah ee dalka oo ay ugu horeeyaan doorashooyinka dalka ee 2020/21 taas oo ah xaq dastuuri ah oo uu muwaadinka Soomaaliyeed leeyahay. Waxaan si weyn u dul-istaagnay in ay lama huraan tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo, ayna noqoto mid hufan oo xor iyo xalaal ah, si ay ummaddu u helaan fursadda go’aaminta masiirkooda iyadoo loo marayo shuruucda dalka u degsan.

Ugu dambeyn waxaan isku boorinay ahmiyadda ay leedahay in wax walba laga hormariyo danta caamka ee ummadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

Taabid Cabdi Maxamed gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa waxay wararka qaar sheegayaan inuu isusoo sharixi doona xilka Madaxweyninimada Soomaaliya ee doorashada Soomaaliya markii lagaaro sanadka 2021-ka sida aan wararka ku helnay.

Trending

Exit mobile version