Wararka Soomaalida
Gudoonka labada aqal ee Baarlamanka oo war soo saaray
Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa muddo dheer ka dib shir ku yeeshay Gudoonka Baarlamanka labadiisa aqal ee Soomaaliya ka dib khilaaf gaamuray oo udhaxeeyay labada Gudoon ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Baarlamanka Golaha shacabka iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi Gudoomiyaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa caawa sheegay inay ka heshiiyeen wax […]
Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa muddo dheer ka dib shir ku yeeshay Gudoonka Baarlamanka labadiisa aqal ee Soomaaliya ka dib khilaaf gaamuray oo udhaxeeyay labada Gudoon ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Baarlamanka Golaha shacabka iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi Gudoomiyaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa caawa sheegay inay ka heshiiyeen wax allaale wixii ismaandhaaf ahaa ee labadooda udhaxeeyay ka dib wada shaqayn la,aan muddo ka dhax taagneed labada aqal ee Soomaaliya.
Gudoomiyaasha oo soo saaray war ku saabsan heshiiskooda ayaa waxay ku sheegeen inay heshiiyeen oo hadda wixii ka dambeeya si toos ah uwada shaqaynayaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya.
Khilaafka labadan mas,uul ayaa soo bilowday sanadkii hore 2018-kii bilowgiisii ka dib markii ay isku maandhaafeen hindise sharciyedyo ay meelmariyeen Golaha shacabka ka dibna gaashaanka udaruureen Golaha aqalka sare.
Xal ka gaarista khilaafkii labadaan Gudoomiye udhaxeeyay ayaa muddo dheer qaadatay iyadoo mas,uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya dadaal ku bixiyeen xalinta khilaafkaas iyadoo marba marka ka sii dambaysay lagu guul dareysanayay.
Gudoomiye Maxamed Mursal iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa si wadajir ah u sheegay inay ka wada shaqayn doonaan howlaha hor yaala labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya iyo dardar gelinta doorashada 2022 ee lafilayo inay ka qabsoonto Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo ku dhaxjiray xalinta khilaafka labada Gudoomiye ayaan la ogayn doorka uu ku leeyahay heshiiskan hadda ay gaareen labada Gudoomiye Baarlamaan.