Wararka Soomaalida
Guriga Gudoomiyaha Gobolka Bakool oo la weeraray
Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Ciidanka Xoogga dalka caawa weerar ay ku qaadeen Guriga Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ee ku yaala Degmada Xudur Ciidamadankaasoo ah kuwa aad u hubaysan watana gaadiidka dagaalka. Ciidankan caawa weerarka ku qaaday hoyga Gudoomiyaha Gobolka Bakool […]
Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Ciidanka Xoogga dalka caawa weerar ay ku qaadeen Guriga Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ee ku yaala Degmada Xudur Ciidamadankaasoo ah kuwa aad u hubaysan watana gaadiidka dagaalka.
Ciidankan caawa weerarka ku qaaday hoyga Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa la sheegay in ay yihiin Ciidan ka cabanaya Mushaar la,aan haysta muddo dhoor bil ah.
Arrintan ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyey Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin wuxuuna sheegay in caawa Ciidan hubaysan kana mid ah Xoogga dalka ay weerareen guriga Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool kadib markii dhowrkii bil ee la soo dhaafay aaney helin Ciidankaas xuquuqdii ciiidan ee xaqa ay u lahaayeen.
Maxamed Macalin ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya in xal deg deg ah u keento Ciidankan gadoodsan.
Maxamed Macalin Gudoomiyaha Degmada Xudur ayaa waxaa uu sheegay in ka Maanul ahaan waxba ka qabankarin Mushaar la,aanta ay ka cabanayaan Ciidanka iyadoo uu intaas raaciyey in baahidooda aaney daboolikarin Maamulka Xudur iyo kan Bakool.
Gudoomiyaha Xudur ayaa waxaa uu intaas warkiisa ku daray haddii xal deg deg ah u keenin Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya Ciidankan hubaysan ay ku kici karaan falal amaanka wax u Dhinaca iyo in ay ku kacaan dil dhaawac iyo boob hanti dadweyne.