Wararka Soomaalida
Guuleed iyo Shariif oo ka cunteeyay Goobweyn
Xubnaha siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada iskuugajira ee dhowaan gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ayaa maanta waxaa qadasharaf loogu sameeyay deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubbada hoose iyadoo martiqaadka uu fidiyay Axmed Maxamed Madoobe oo wali siihaye ka ah maamulka Jubbaland.
Madaxweyniyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Cabdikariim Xuseen Guuleed,Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubnaha Xildhibaanada ah ee ka tirsan labada gole ee baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa deegaanka Goobweyn geeyay labada Madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga dheere.
Xubnahan ayaa sidoo kale booqday barta webiga Jubba uu kagadaro badda iyadoo halkaas siyaasiyiintan ku qaatay xoogaa nasiinyo ah ka dibna dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale munaasabada qadasharafta ah ee siyaasiyiinta loogu sameeyay deegaanka Goobweyn ayaa waxaa ka baaqday Axmed Maxamed Axmed Madoobe iyadoo markii hore balanta ahayd inuu ka qayb galo sida aan wararka ku helnay laakiin ilaa hadda macada sababta ka reebtay in saaxiibadiisa uu kala qayb galo mumaasabada qadasharafta ah ee asaga usameeyay siyaasiyiintaas.
Axmed Madoobe ayaa waxaa dadaal dheer ugalay sidii uqabsan lahaa munaasabada caleema saarkiisa laakiin waxaa ilaa hadda usuura geli waayay qabsoomida xafladaas iyadoo markii seddaxaad ka baaqatay.