Wararka Soomaalida
Guuxa dadweynaha Muqdisho oo sheegaya in Nigel Roberts loo magacaabi doono Bangiga dhexe ee Soomaaliya
Wararka intabadan la,isla dhexmarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nin Ajanabi ah loo magacaabi doono Gudoomiyaha Bandhiga dhexe ee Soomaaliya ninkaas oo u dhashay Dalka Britain waxaana lagu magacaabaa Nigel Roberts. Waxaa Wararku intaas ku darayaan in Ololahan la doonayo in lagu magacaabo ninkan udhashay Dalka UK ee lagu magacaabo Nigel Roberts ay wadaan Madaxweynaha […]
Wararka intabadan la,isla dhexmarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nin Ajanabi ah loo magacaabi doono Gudoomiyaha Bandhiga dhexe ee Soomaaliya ninkaas oo u dhashay Dalka Britain waxaana lagu magacaabaa Nigel Roberts.
Waxaa Wararku intaas ku darayaan in Ololahan la doonayo in lagu magacaabo ninkan udhashay Dalka UK ee lagu magacaabo Nigel Roberts ay wadaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Nigel Roberts ayaa ah shaqsi qibrad sare uleh arrimaha Maaliyadda iyo shaqada Bangiga wuxuuna ka soo shaqeeyey wadamo dhowr ah oo uu ka ahaa Gudoomiyaha Bangiga,haatana Soomaaliya ayaa waxaa la doonayaa in Gudoomiyaha Bandhiga dhexe ee Soomaaliya Gudoomiye looga dhigo.
Qaar ka mid ah Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada laga ansixiyey arrimaha Nigel Roberts haatana la doonayo in la hor geeyo Golaha Baarlamanka si iyana ay umeel mariyaan.
Waxaa kaloo la hadal hayaa in Dastuurka Soomaaliya qodob ka mid ah uu dhigayo in Bandhiga dhexe ee Soomaaliya aaney madax looga dhigi karin qof Ajanabi ah qodobkaas oo hadda la doonayo in la bedelo si sharcigan Magacaabista ah ee Nigel Roberts uu umeelmaro.
Sababta Madaxda Soomaaliya ku kaliftay ninkan ajanabiga ah in ay lajaclaadaan Madax in uu ka noqdo Bandhiga dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa la sheegayaa in Caalamka ay ku soo jiitaan iyo in lagu aamino hantida taalla Bangiga.