Wararka Soomaalida

Habka bixinta rukhsadaha isgaarsiinta dalka oo la soo bandhigay

Published

on

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta soo bandhigtay qaabka Guud ee Bixinta Rukhsadaha Isgaarsiinta dalka uu yeelan doono (Unified Licensing Framework ULF) kaas oo lagu hagayo rukhsadaha isgaarsiinta dalka ka dib shir arinkaas looga hadlayo uu ka dhacay magaalada Muqdisho islamarkaana ay ka qayb galeen shirkadaha isgaarsiinta teknolojiyada warbaahinta iyo wasaaradaha dawladda ee arimahan uu khuseyso.

Nidaamkan cusub ee ULF ayaa u ogolaanaya shirkadaha isgaarsiinta dalka inay bixin karaan adeegyo kala duwan iyagoo isticmaalaya rukhsad aan ku xirneyn teknolojiyad si loo dhiirri-geliyo hal-abuurka dadweynahana looguna fududeeyo inay shirkadaha ku kala xulan karaan hadba teknolojiyada ay xiiseynayaan ka sokow noocyada loo kala qaybiyay hannaanka cusub wuxuu shirkadaha ku waajibinayaa shuruudaha looga baahan yahay marka ay adeegga bixinayaan si loo ilaaliyo xuquuqda macaamiisha iyo tan dawladda.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Sheekh Axmed oo ka hadlayay furitaanka kulankan wada-tashiga ah ayaa sheegay in nidaamkan la soo diyaarinayay 12-kii bilood ee la soo dhaafay iyadoo fikir iyo waayo-aragnimo laga soo qaatay dalal badan oo ku yaala Afrika iyo Aasiya waxbadan ka fagmeen habka shaqo ee rukhsad bixinta shirkadaha iyo weliba Teknoloyadda casriga ah.

“Maadaama aan wax cusub sameyneyno waxaan ka bilaabeynaa meesha uu adduunka maanta marayo sidaasi darteed nidaamkan waa mid tixgelinaya duruufaha dalka ka jira islamarkaana la jaan-qaadaya heerka uu marayo adduunka” ayuu yiri Cabdi Sheekh Axmed maareeyaha isgaarsiinta Soomaaliya.

Ka qayb galayaasha ayaa aad u soo dhaweeyay nidaamkan cusub iyagoo sheegay maadaama aysan jirin nidaam cad oo dhinaca rukhsadaha ah inay abuurtay fowdo dhinaca suuqa oo caqabad ku noqoto in maalgelin dheeri ah lagu sameeyo.

Soomaaliya ma lahayn nidaam rasmi ah oo rukhsadaha isgaarsiinta iyo mowjadaha lagu bixiyo tan iyo 1991-kii markii ay shaqada joojiyeen shirkadihii isgaarsiinta,Idaacaddihii iyo telefishinkii ay dawladda maamuleysay ka dibna wax walba jaantaa rogan ay noqdeen iyadoo nidaamka maanta la soo bandhigay uu ka mid ah tallaabooyin kala duwan oo ay Xukuumaddu ku dooneyso in lagu hago dhaqaalaha dalka iyadoo arumahan qayb tahay hal-beegyada ugu waaweyn ee Tubta Dhaqaalaha lagu abuuri karo.

Hay’adda Isgaarsiinta oo adeegsaneysa hannaan la-tashi oo daah-furan ah ayaa daneeyeyaasha kala duwan u qabatay illaa 5-ta December 2019 inay ka soo talo bixiyaan habkan cusub ee wasaaradda u keentay.

Trending

Exit mobile version