Wararka Soomaalida

Hadal sir ah oo ka fakaday Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya

Published

on

Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay shirka seddaxaad ee Madasha dhaqaalaha Qaran ee Soomaaliya waxaana ka qeyb gelaya shirkaasi aqoonyahano iskuuga jira rag iyo Dumar iyadoo looga hadli doona arimaha dhaqaalaha Soomaaliya.

Ka qeyb geliyaasha shirkaas ayaa dood adag ka yeelan doona arimaha dhaqaalaha Qaran ee Mahdi Maxamed Guuleed Khadar uu maanta ka daah furay Magaalada Muqdisho.

“Waxaan maanta Daah-furay shirka saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya oo socon doona muddo laba maalin ah”ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Haddaba Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo khudbad ujeediyay ka qeyb geliyaasha shirkaasi ayaa ka dhawaajiyay in muddo xil haynta madaxda dowladda federaalka Soomaaliya aaney ku filnayn wax qabadkooda waqtiga yar ee loo cayimay ee ah 4 sanadood balse loo baahan yahay in la siiyo waqti intaas ka badan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in 4 sano ee dowlad walba ama xukuumad walba lasiiyo ay ka haboon tahay in lagu bedelo 6 sano ama 7 sano si loo helo wax qabad wanaagsan iyo dhaqaale wanaagsan.

Hadalkan maanta uu jeediyay Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa waxaa shaki weyn ka muujiyay Xisbiyada mucaaradka ah iyagoo sheegay inay heleen sir ay u baahnaayeen inay ogaadaan hadda ka fakatay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed sidoo kale tani ka tarjumayso arimihii mar horaba ay sheegi jireen ee ahayd in Madaxda talada dalka haysa ay doonayaan inay samaystaan muddo kororsi.

Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa waxay shaki weyn ka qabaan in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha damacoodu uu yahay inay sameeyaan muddo kororsi iyadoo arimahaasi waxbadan digniin ay ka muujiyeen Xisbiyada mucaaradka ah ee Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version