Wararka Soomaalida

Hadalhaynta in Turkiga Soomaaliya uu siinayo diyaarado dagaal oo isasoo taraya

Published

on

Baraha bulshada ay ku wada xiriiraan ayaa waxaa muddooyinkaaba si aad ah uqabsaday hadalhaynta ku aadan in dowladda Turkiga dowladda federaalka Soomaaliya ay siinayso 18 diyaaradood oo nooca dagaalka ah ka dib markii si aad ah ukorortay ku xad gudubka hawada Soomaaliya ee dowladda Kenya.

Hadalhantan diyaaradahan ayaa waxay soo baxday markii dowladda federaalka Soomaaliya dhowr amar ka soo saartay duulimaadka tooska ah ee tegaya Magaalada Kismaayo iyo kuwa ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dibna amarkaas si toos ah u jebisay dowladda Kenya.

Dhowaan ayaa waxaa magaalada Kismaayo toos ugu degtay diyaarad ay leedahay wasaaradda Gaashaandhiga Kenya oo waday 40 xubnood oo ka tirsan sirdoonka Kenya iyo golaha baarlamanka Kenya iyagoo ka qayb galay caleema saarkii Axmed Madoobe sidoo kale diyaarad nooca rayidka ah oo waday siyaasiyiin Soomaali ah lagana leeyahay dalka Kenya si toos ah ucaga dhigatay garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Haddaba nooca diyaaradaha la hadalhayo in Soomaaliya ka heli doonto walaalaha Turkiga ayaa waxaa lagu macneeyay kuwa dowladaha u,isticmaalaan hawada ee ah nooca qumaatiga u kaca ee Miletarigana ay isticmaalaan.

Warkale ayaa wuxuu sheegayaa in loo tababar duuliyaashii diyaaradahan ka xayn lahaa duuliyaashaas loo tababaray diyaaradahan waa dhalinyaro Soomaali ah sida wararka la,isla dhaxmarayo ay sheegayaan.


Wararkii ugu dambeeyay ee warkaasi laga qoray ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan Soomaaliya uballan qaaday inuu ugu deeqayo inta ay doonaan oo diyaaradaha dagaalka ah sidoo kale Soomaaliya ay tahay walaalkooda ka weyn ayna difaaci doonaan.

Diyaradahan Turkiga uu siinayo Soomaaliya ayaa waxaa lagu kala sheegay in yihiin kuwo ka kobnan doona 7 diyaradaha dagalka nooca T50Tx modelka loo yaqaano ah,8 helicopter ah iyo 3 nooca miletariga ee loo yaqaano transport Airbus.

Arimahan ku saabsan diyaaradaha ayaa wuxuu yahay mid si xowli ah u qabsaday baraha bulshada Soomaalida dhexdeeda ah iyadoo weli wararkan ka hadlin ilaa hadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo tan Turkiga midna.

Trending

Exit mobile version