Local News
Haji Yusuf oo ka hadhay tartankii uu kula jiray Ilhan Cumar
Musharax Haji Yussuf ayaa maanta si rasmi ah uga haray loolankii siyaasadeed ee uu ugu jiray kursiga congress-ka Mareykanka ee ay hadda ku fadhido Ilhan Cumar.
Haji Yussuf ayaa kamid ahaa musharixiinta la tartamayey Ilhan Cumar. Haji Yusuf oo kamid ah hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota, kana mid ah dadka u olololeeya horumarinta bulshadda ayaa isagu maanta bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in uu ka haray tartankii uu ugu jiray kursiga congress-ka Mareykanka ee degmadda 5-aad.
Haji Yussuf ayaa sidoo kale wargqad uu ku daabacy wargeyska Sahanjournal ku sharaxay sababta uu uga haray tartanka. Musharax Haji Yussuf ayaa haddaba taageeray Ilhan Cumar, wuxuuna sheegay in ay Ilhan tahay musharaxa ugu haboon ee xilkan ka soo bixi kara, matali karana shicibka degean degmadda 5-aad ee gobolka Minnesota.
“Markii aan qiimeeyay, meel dheerna aan wax ka fiiriyey, wada hadal dheerna aan la yeeshay Ilhan Cumar, waxaan go’aan sadday in aan ka haro tartanka, Ilhana aan taageero, maadama aan aniga iyo iyaduba danta shicibka, ganacsatada yaryar, dadka dan yarta ah iyo weliba horumarka guud ee degmadda 5-aad aan ka simanahay”, ayuu yiri Haji Yussuf mar aan khadka taleefanka kula hadlay.
Waxaa weli jira musharixiin gaaraya afar qof oo la tartamaya Ilhan Cumar. Ilhan Cumar oo hadda kursiga iyo xilka congress-ka degmadda 5-aad ee gobolka Minnesota haysa ayaa ah musharaxa ugu cad-cad tartanka loogu jiro kursigan.
Xigashadda Sawirka: Haji Yussuf