Community

Halista Isticmaalka Muqaadaraadka oo laga wacyigeliyay Dhallinyarada

Published

on

Ha’yadda B.R.A.V.E Foundation iyo Masaajidka Abubakar As-saddique ayaa iska kaashaday kulan lagu qabtay xarunta shirarka Masaajidka Abubakar ee magaalada Minneapolis. Kulankan wacyigelinta ah ayaa loo qabtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota, gaar ahaan dhallinyarada ayaa dhacay maalintii Axada ee bisha September ay ahayd 29, 2019.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay halista ay leeyihiin isticmaalka muqaadaraadka iyo maandooriyayaasha oo maalmahan ku soo badanaya bulshadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed.  Waxaa kasoo qeybgalay kulankan muhiihmka ah qaar ka tirsan culimadda, waalidiinta, waxgarad, dhalinyarrada, haween iyo aqoonyihanniin ku dhaqan gobolka Minnesota.

Dhallinyaradii ka soo qayb gashay kulanka wacyigelinta ah si feejignaan iyo dhaga-nuglaan u dhagaysanaya

Waxaa aad u soo badanaya dhallinyarada Soomaaliyeed ee iyagu isticmaala maandoorisyaasha halista ah. Sidoo kale waxaa aad u soo kordhaya dhallinyarada iyagu u dhinta isticmaalka maandooriyayaasha iyo muqaadaradaadka, gaar ahaan nooca Opioid-ka ah.

Maandooriyeyaasha dhallinyarada laga wacyigeliyey ayaa waxaa kamid ah noocyadda kiniinka ah oo iyagu ah muqaadaraad macmil ah, aad iyo aadna halis u ah oo inta baddan dadka qaata ay u dhintaan. Waxaa kale oo laga hadlay kiimikada ku jirta ama laga sameeyo maandooriyaayashan iyo kiniinada macmalka ah.

Dhamaan dadkii ka hadlay kulankan ayaa sheegay in wacyigelin joogta ah loo sameeyo dhallinyarada si ay u ogaadaan halista iyo dhibaatada ay maandooriyayaashu iyo muqaadaraadku leeyihiin. Dadka madashan ka hadlay oo u badnaa gabdho Soomaaliyeed oo aqoon iyo waaya aragnimo dheerad ah u leh arrimaha la xiriira Ka-hortagga Opioid-ka.

Waa qaar kamid ah dhallinyaradii ka soo qayb galay kulanka wacyigelinta ah.

Lul Osman oo ah Gudoomiyaha iyo Aasaasaha Ha’yadda B.R.A.V.E Foundation Inc oo u adeegta bulshadda Soomaaliyeed oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in waalidka, bulshadda iyo dhallinyaraduba dhamaan ogaadaan halista ay leeyihiin maandooriyayaashu, gaar ahaan nooca Opioid-ka oo fara-kulul ku haya dhallinyarada. Luul iyo Ha’yadda ay iyadu maamusho ee Brave ayaa ahmiyad gaar ah siiyay wacygelinta la xiriirta halista ay maandooriyayaashu leeyihiin, waana kulankii labaad ee ay bisha September ay qabtaan.

Abyan Bashir, Imam Mowlid Ali, Nadira Mohamed, Hibat Sharif, Zamzam Ahmed ayaa kamid ahaa aqoonyahayniintii iyo marti sharaftii meesha ka hadlay. Abyan, Nadira, Hibat iyo Zamzam ayaa iyaguna dhankooda sheegay in ay tahay muhiim kulamada lagu wacyigalinaayo bulshada, gaar ahaan dhallinyarada si loo xusuusiyo dhamaan wixii noloshooda saameynaya.


Abyan Bashir, Luul Osman, Nadira Mohamed, Hibat Sharif iyo Zamzam Ahmed (Magacyadu waxay ka biloowdaan dhanka bidix).

Sheikh Mowlid Ali oo Imam ka ah Masaajidka Abubakar As-saddique Islamic Center, gaar ahaana la shaqeeya dhallinyarada iyo qoysaska oo isna qudbad ka jeediyay kulankan wacygelinta ah ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira dhimirka, caafimaadka maskaxda, bi’ada ay dhallinyaradeena iyo qoysaskeenu ku noolyihiin iyo waajibaadka saraan dadka Muslimiinta in aan arrintan wax ka qabano.


Sheikh Mowlid Ali oo Imam ka ah Masaajidka Abubakar As-saddique

“Hadii aan dhalinyaradeena maanta la wacygalin, laguna dhiirigelin waxa iyo wadada toosan ma noqonayno Umadd iyo bulsho dhibaatadan joogtada ah ka baxda.” ayuu yiri Sheekh Mowlid.

Kulankan wacyigelinta ah oo ah mid dhamaan dadkii ka soo qaybgalay ay bogaadiyeen, aad iyo aadna uga heleen ayaa waxey dadweynuhu, gaar ahaan waalidka ay codsadeen in la joogteeyo kulamadda wacyigelinta ah ee noocan oo kale ah, waxayna sheegeen in ay kulamadda noocan ahi ay yihiin kuwo baahi loo qabo.

Qaar kamid ah dadkii iyo marti sharaftii ka soo qayb galay kulanka wacyigelinta ah.

Trending

Exit mobile version