Wararka Soomaalida
Hal xabo oo Kalluun ah ma kabixin lahayd lacag dhan 3.1Million oo Dollar Daawo Sawirada
Magaalada Tokyo ee Dalka Japan Suuq lagu iibiyo Kalluunka ayaa maanta waxaa soo galay Maal qabeen udhashay dalkaas Japan wuxuuna ka iibsaday Kalluunka Ugu weyn inta markaas Suuqa beeca loo keenay ee taalay wuxuuna kala baxay lacag gaaraysa 3.1 Million oo Dollar. Maal qabeenkan reer Japan oo lagu magacaabo Kiyoshi Kimura ayaa iibsaday Kalluunka loogu […]
Magaalada Tokyo ee Dalka Japan Suuq lagu iibiyo Kalluunka ayaa maanta waxaa soo galay Maal qabeen udhashay dalkaas Japan wuxuuna ka iibsaday Kalluunka Ugu weyn inta markaas Suuqa beeca loo keenay ee taalay wuxuuna kala baxay lacag gaaraysa 3.1 Million oo Dollar.
Maal qabeenkan reer Japan oo lagu magacaabo Kiyoshi Kimura ayaa iibsaday Kalluunka loogu cunista jecel yahay ee lagu magacaabo Tuuna waxaana uu ka yaabiyay Maal qabeenkan dhamaan intii Suuqa ku sugneed ee Kalluun doonka ahaa.
Suuqan ee ku yaalla Caasimadda dalka Japan ee Tokyo ayaa dhawaan halkaas laga furay wuxuuna gaar u yahay iibka Kalluunka noocyadiisa kala gidisan.
Kiyoshi Kimura oo ah nin si iskiis dhaqaale uga sameeyay iibinta raashinka Japan ayaa horay loogu yaqaanay “Boqorka Tuunada ka dib markii uu ku caan baxay iibsashada kalluunka nooca loogu doonista badan yahay ee Tuuna.
Kalluunkan weyn ee hadda uu iibsaday ayaa waxaa uu culeyskiisa gaarayaa 278KG waana nooca loo yaqaanno bluefin Tuuna”dhinaca kale Kaluunkan Tuuna waa mid halis ugu jira inuu ka dabar go’o dunida oo dhan sida lagu sheegay Warbixintii maanta laga diyaariyay iibsiga Kalluunka weyn ee Tuuna.
Wareysi lala yeeshay Kiyoshi Kimura waxaa uu yiri“Waxaan iibsaday Tuuna fiican aad ayaan ujecelahay”ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP oo Maanta Maal qabeenkan Wareysatay ka dib markii uu soo iibsaday Kalluunka Weyn ee Tuna.
Dadka sida jumlada ah wax u iibiya iyo milkileyaasha Makhaayadaha cuntada Japan ee lagu magacaabo Sushi ayaa inta badan lacago faro badan ku bixiya kalluunkaas oo ah nooca ugu fiican looguna jecel yahay caalamka oo dhan.