Local News
Hamse Warfa oo loo magacaabay xilka ugu sarreeya ee uu qabto qof Soomaali ah dalka Mareykanka
Hamse Warfa ayaa loo magaacay in uu noqdo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqo iyo Dhaqaale Abuurka gobolka Minnesota. Hamse Warfa oo ah hogaamiye iyo aqoon yahay dhalanyaro ah ayaa mudo dheer ka mid ahaa dadka Soomaaliyeed ee u ololeeya bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota. Hamse Warfa oo jagooyin muhiim ah oo kala duwan […]
Hamse Warfa ayaa loo magaacay in uu noqdo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqo iyo Dhaqaale Abuurka gobolka Minnesota.
Waa Hamse Warfa ayaa loo magaacay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqo iyo Dhaqaale Abuurka gobolka Minnesota.
Hamse Warfa oo ah hogaamiye iyo aqoon yahay dhalanyaro ah ayaa mudo dheer ka mid ahaa dadka Soomaaliyeed ee u ololeeya bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.
Hamse Warfa oo jagooyin muhiim ah oo kala duwan ka soo qabtay meelo badan ayaa xilkan Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqo iyo Dhaqaale Abuurka ee gobolka Minnesota loogu magacaabay markii uu Wareegto ku magacaabay Steve Grove oo ah Wasiirka Wasaarada Shaqo iyo Dhaqaale Abuurka ee gobolka Minnesota.
Haddaba munaasabad balaaran oo lagu qabtay Magaalada Minneapolis ayaa si rasmi ah loogu maamuusay magacaabida iyo xilkan cusub ee loo dhiibay Hamse Warfa.
Ganacsadde C/Rax,aam Kaahin oo akhrinaya taariikhda iyo takhasuska Hamse, soo na dhaweyna Hamse Warfa.
Waxaa munaasabadan ka qeybgalay, Gofanatooraha Gobolka Minnesota Tim Walz iyo ku xigeentiisa Peggy Flanagan, Wasiirka Wasaaradda Shaqo iyo Dhaqaale Abuurka Steve Grove, Xildhibaanadda Hodan Xasan iyo Maxamud Nuur oo iyagu katirsan Baarlamaanka Minnesota, Hogaamiyeyaasha bulshadda, culumada, ganacsatada, haweenka, dhallinyarada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadda.
Gofanatooraha Gobolka Minnesota Tim Walz iyo ku xigeentiisa Peggy Flanagan oo iyagu taageeraya magacaabista Hamse Warfa.
Munaasabadan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaalaga jeediyay qudbado kala duwan. Dad weynihii ka soo qayb galay kulankan ayaa fursad u helay in ay weydiiyaan su’aalo Hamse Warfa.
Magacaabista Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqo iyo Dhaqaale Abuurka Hamse Warfa ayaa ah mid aad loo soo dhaweeyay, waxaana Hamse Warfa lagu amaanay aqoontiisa, waayo aragnimadiisa, wax qabadkiisa iyo welib sida wanaagsan ee uu mar walba iskugu xiro qoomiyadaha kala duwan ee ku dhaqan gobolka Minnesota.
Hamse Warfa iyo qaar kamid ah cullumada gobolka Minnesota.
Magacaabista Hamse Warfa ayaa noqonaysa in uu Hamse noqdo shagsi ugu horeeya ee Soomaali ah ee loo magacaabo jago noocan oo kale ah dalka Mareykanka. Hamse Warfa ayaa noqonaya qofka Soomaali ah ee haya jagada ugu sareysa, gaar ahaan jago doowladeed dalka Mareykanka.
1
September 14, 2022 at 10:57 pm
1 AND 4693=4693
September 14, 2022 at 10:57 pm
1;SELECT PG_SLEEP(5)--
September 14, 2022 at 10:57 pm
1 ORDER BY 1#
September 14, 2022 at 10:58 pm