Wararka Soomaalida
Hanti dhowraha Qaran oo sheegay in laga been sheegay Warbixin shalay uu soo saaray
Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali Afgooye oo maanta la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in laga been sheegay Warbixin sanadeedkii shalay uu soo daabacay xafiiskiisa ee ahaa in lalunsaday 18 Milyan oo doolar kana maqantahay Qasnadda dowladda Soomaaliya.
Warbixintaas oo aad udheereed ayaa waxaa Hanti dhowraha Guud ee Soomaaliya uu ku sharaxay inta meelood ee sanadkii hore iyo sanadkan deeqaha lacageed ay ka kala yimaadeen iyo tiradooda inta ay gaarsiisan tahay.
Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa warbixinta uu soo saaray ku jirtay in Qasnadda dowladda ka ay ka maqan tahay lacag gaaraysa 18 Milyan oo doolar taasoo uu ku macneeyay inuusan ulajeedin waa la musuq maasuqay balse ulajeeday in lacagtaas weli ku soo dhicin Qasnadda dowladda oo ka maqantahay.
Hanti dhowre Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa sheegay in Warbixintii shalay ka soo baxday xafiiskiisa koox gaar ah si qaldan ugu sheegeen bulshada isagoo ku eedeeyay kooxahaas inay dano gaar ahaaneed ay ka lewyihiin.
Sidoo kale Hanti dhowraha ayaa sheegay in lacagtaas ku jirto Akon dowladda Soomaaliya ay ka samaysatay dalka dibadiisa ujeedkiisana uu ahaa in lagu soo wareejiyo waaxda maaliyadda ee wasaaradda Maaliyadda si xisaab xirka loogu daro laakiin dadka qaar ay ufasirteen in la musuq maasuqay sidaasna ulajeedin sida loo qaatayna ay tahay mid qaladan isagana marnaba Warbixintiisa ku sheegin in lacag la xaday ama la musuq maasuqay.
Hanti dhowraha ayaa sidoo kale sheegay in lacagtan kama tahay Qasnadda waaxda maaliyada balse Akon dibadda ah ku jirto ayna ka mid tahay deeqihii lacageed ee laga helay dibadda. loona baahan yahay in Warbixinada been laga sheegin la,iskana akhriyo sifiicna loo fahmo intii bulshada la jah warewrin lahaa.