Wararka Soomaalida

Hargaysa oo lagu xiray Wariyaal

Published

on

Xalay magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa lagu xiray Tifaftirihii Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews ee magaaladaas ku taala Cabdiqani Asbaro waxaana xiray Ciidanka amniga Soomaaliland ka dib markii amar lagu siiyay inay soo xiraan Wariyaha.

Ciidamada ayaa sidoo kale maanta xiray labo wariye oo kale kana howlgala Hadhwanaagnews ka dib markii xarigooda loo cuskaday in warar been ah ka qoreen Xukuumadda Muuse Biixi.

Xariga wariyaashan ayaa waxaa cabaareeyay Ururka difaaca xuquuqda Wariyaasha Soomaaliland ee CPJ waxayna ku tilmaameen talaabadaasi mid sharcidaro ah.

Dhinaca kale xarigan wariyaasha ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii dhowaan xabsiga la dhigay milkilihii Telefishinka Horyaal ee magaalada Hargaysa Maxamed Cismaan Mire iyadoo xarunta TV-ga Albaabada la,iskuuga dhuftay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version