Wararka Soomaalida
Hargeysa oo maanta mudaharaad ka dhacay iyo Taliye Saqadhi oo loo awood sheegtay
Magaalada Hargeysa ayaa maanta waxaa ka dhacay Mudaharaad uu soo qaban qaabiyay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ka dib markii shalay uu ku dhawaaqay dibadbaxaasi oo looga soo hor jeedo maamulka Soomaaliland.
Inta uusan bilaaban dibadbaxa ayaa waxaa xalay xarunta Xisbiga Wadani isku gedaamay Ciidamada Booliska Soomaaliland iyagoo diidanaa in mudaharaadkaasi uu qabsoomo laakiin waxaa jiiray Shacabka taageersan Xisbiga wadani.
Ciidamada Booliska Soomaaliland iyo shacabka ayaa waxaa dhaxmaray dagaal kooban waxaana ku dhintay Taliye sidoo waxaa dhaawac ka soo gaaray hal askari sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi.
“Xukuumaddu iyada ayaa nabadgelyada ku ciyaaraysa, Xisbina xaq looguma laha in xaruntoodu xoog lagu qabsado, xukuumadda waxa aan ugu baaqayaa in aanay xaalad abuurin,aniga rasaas la igu rido iyo kaare la ii soo kaxaysto midna naga joojin mayso in aanu waajibaadkayagu gudano oo aan xafiiskaygii tao Somaliland Guul”ayuu yiri Gudoomiye Cirro.
Xalay ayaa waxaa war baahinta iyo Social media-yaha hanjabaadyo isku dhaafsaday Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi iyadoo mas’uul walba uu ku goodiyay in amarkiisa laga hor imaankarin laakiin waxaa amarkiisa dhaqan galay Gudoomiye Cirro oo qabssaday mudaharaadkii uu balan qaaday.