Wararka Soomaalida

Haweenay Amisom ah oo ku geeriyootay shilkii Ethiopian Airlines

Ku simihii Taliyihii Ciidanka Booliska Amisom ee Soomaaliya haweenayda lagu magacaabo Christine Alalo ayaa ka mid noqotay dadkii ku geeriyooday shilkii diyaaradeed ee Axmadii ka dhacay duleedka Addis Ababa ee itoobiya. Jannaraal Christine Alalo oo ahayd ku simihii Taliyihii Ciidanka Booliska Amisom ayaa la ogaaday in ay ka mid ahayd rakaabkii Addis Ababa ka soo […]

Published

on

Ku simihii Taliyihii Ciidanka Booliska Amisom ee Soomaaliya haweenayda lagu magacaabo Christine Alalo ayaa ka mid noqotay dadkii ku geeriyooday shilkii diyaaradeed ee Axmadii ka dhacay duleedka Addis Ababa ee itoobiya.

Jannaraal Christine Alalo oo ahayd ku simihii Taliyihii Ciidanka Booliska Amisom ayaa la ogaaday in ay ka mid ahayd rakaabkii Addis Ababa ka soo raacay diyaarada Ethiopian Airlines ka dib la,ogaaday in ay ku geeriyootay Shilkaasi diyaaradeed.

Geerida Jannaraal Christine Alalo ayaa waxaa xaqiijiyey Saraakiisha Ciidamada Amisom ee Soomaaliya.

Haweenadan Taliyaha ahayd ee lagu magacaabayey Christine Alalo ayaa u dhalatay dalka Uganda waxaana safarkeeda ku soo wajhanaa Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version