Wararka Soomaalida

Haweenay meydkeeda laga helay Hotel oo warar ka soo baxayaan

Hotel ku yaala xaafada Baar Ubax ee degmada Howlwadaag laguna magacaabo Hotel Caamir ayaa saaka waxaa laga helay Haweenay meyd ah dhabarka dambe ee Hoteelka ka dib markii ehelka Haweenaydaas ay waayeen warkeeda nolol iyo geeri meesha ay ku war dambaysay. Ehelka Haweenayda oo tuhun ka galay hotelka ayaa ku wargeliyay laamaha amniga ka dibna […]

Published

on

Hotel ku yaala xaafada Baar Ubax ee degmada Howlwadaag laguna magacaabo Hotel Caamir ayaa saaka waxaa laga helay Haweenay meyd ah dhabarka dambe ee Hoteelka ka dib markii ehelka Haweenaydaas ay waayeen warkeeda nolol iyo geeri meesha ay ku war dambaysay.

Ehelka Haweenayda oo tuhun ka galay hotelka ayaa ku wargeliyay laamaha amniga ka dibna baaritaan lagu sameeyay dhismaha hoteelka ayaa laga helay iyadoo meyd ah sida uu nalawadaagay mid ka mid ah bulshada ku nool xaafada Baar Ubax ee degmada Howlwadaag.

Haweenayda meydkeeda laga helay Hotel Caamir ayaa waxaa lagu magacaabaa Sumayo Yuusuf Barkhadle waxaana naloo xaqiijiyay inay haysatay oo ay korinaysay 4 caruur ah oo Aabahood horay loo dilay kan ugu weyn caruurteedana uu jiro 13 sano.

Haweenaydan Meydkeeda laga helay Hotel Caamir ee ku yaala xaafada Baar Ubax ayaa hadda waxaa meydkeeda uu yaalaa xarunta dambi baarista ee CID iyadoo baaritaan hor ddhac ah oo lagu sameeyay meydka lagu ogaaday in Sumayo Yuusuf Barkhadle Ceejo lagu dilay ka dib markii la kufsaday sida baaritaanka hordhaca ah ee CID lagu ogaaday.

Gudoomiyaha degmada Howlwadaag Mustaf Cali Khayre ayaa sheegay in dhacdadan loo xiray 4 qof oo lala xiriirinayo dhacdadan inay wax ka ogyihiin waxaana ka mid ah dadkaas mas,uulka hotelka iyo 3 qof oo deganaa Hotelka.

“Waxaan ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee qolka Hotelka uga galay meydka Sumayo Yuusuf Barkhadle qaarka sare waa ka qaawaneyd sidoo kale Caloosha waa Bararasaneyd, Qolka waxaa yaalay Raashin iyo wax bac u eg oo aan u maleynayo in wax sun u eg ku jiraan”ayuu yiri Gudoomiye Mustaf Cali Khayre Gudoomiyaha degmada Howl wadaag.

Gudooomiye Mustaf waxaa kaloo uu sheegey in baaritaanka kiiska Sumayo Yuusuf Barkhadle uu socdo ayna ka War sugayaan Ciidamada Booliiska wuxuuna intaas raaciyay in wali la haynin qofka rasmiga ah ee dilka Sumayo Yuusuf Barkhadle ka dambeeyay iyadoo looga shaki qabo qofka dilay haweenyadaas inuu saacado ka hor Hotelka ka baxay.

Ninka lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay dilka Sumayo Yuusuf Barkhadle ayaa la sheegay in uu sameeyay farsamooyin badan si aan raadkiisa loo helin waxaa kaloo la ogaaday in ninkan lacagtii kirada Hotelka uu ka tuuray Telfoonka gabadha uu dilay .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version