Wararka Soomaalida

Hay’adaha degan xarunta Xalane oo amar la dul dhigay(Akhriso)

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Somaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa ku amray Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee degan xarunta Xalane in wixii hadda ka dambeeya isticmalaan magaca ah Garoonka dayaaradaha Aadan Cabdulle. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Hay’adaha degan xarunta Xalane ay caadeysteen inay qoraalada iyo dukumentiyadooda u isticmaalaan […]

Published

on

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Somaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa ku amray Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee degan xarunta Xalane in wixii hadda ka dambeeya isticmalaan magaca ah Garoonka dayaaradaha Aadan Cabdulle.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Hay’adaha degan xarunta Xalane ay caadeysteen inay qoraalada iyo dukumentiyadooda u isticmaalaan Garoonka dayaaradaha Muqdisho.

Qoraalka Wasiirka oo soo baxay 17-dii bishii hore ayaa lagu sheegay inay qalad tahay isticmaalka magaca Garoonka Muqdisho, loona baahan yahay in la isticmaalo magaca saxda ah ee Garoonka dayaaradaha Aadan Cabdulle maadaama loogu magacdaray Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somalia Aadan Cabudlle Cismaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version