Wararka Soomaalida

Hay’adda NISA Jubbaland oo soo bandhigtay xubin Al shabaab ah

Published

on

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa kooxda Al shabaab xili ay ku hayeen daba gal ka dibna soo qabtay.

Hay’adda NISA ee Jubbaland ayaa sheegtay in ninkan uu dilay askari tirsanaa ciidanka ammaanka Jubbaland oo la oran jiray Maxamed yare ka dibna uu ka qaatay qorigii askariga 48 saac ka hor soo qabashadiisa.

NISA Jubbaland oo baaritaan ku waday ayaa soo qabatay caawa ninkan iyo qorigii uu ka qaatay askarigii uu gaadmada ku dilay xili habeen bar ah.

Taliska Ciidanka NISA ee soo qabtay ninkan ayaa sheegin magaciisa iyo meesha ay ka soo qabteen.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa hadda NISA waxay ku haysaa magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose.

Trending

Exit mobile version