Wararka Soomaalida
Hay’adda NISA oo soo bandhigtay hub ay soo qabatay+Sawiro
Howlgal Ciidamada Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA dhowaan ay ka fuliyeen duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay ku soo qabteen labo dhalinyaro Al shabaab ah iyo hubkooda sida lagu xusay war maanta ka soo baxay xafiiska Hay’adda NISA. Dhalinyarada labada ah ee hubaysanaa ee Al shabaabka ah ayaa Hay’adda waxay sheegtay […]
Howlgal Ciidamada Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA dhowaan ay ka fuliyeen duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay ku soo qabteen labo dhalinyaro Al shabaab ah iyo hubkooda sida lagu xusay war maanta ka soo baxay xafiiska Hay’adda NISA.
Dhalinyarada labada ah ee hubaysanaa ee Al shabaabka ah ayaa Hay’adda waxay sheegtay inay ku soo qabteen iyagoo ku howlanaa fulinta dilal qorshaysan oo ay doonayeen inay ugestaan dad rayid ah.
“Hawgal ay Hay’adaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan Al shabaab iyo hubkooda iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka waxaana qayb ka ahaa labo kale oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi”
Warkan ka soo baxay Hay’adda NISA laguma faafaahinin deegaanka ay ka soo qabteen raggan Al shabaabka ah sidoo kale lama soo bandhigin Muuqaalkooda iyo Sawiradooda markii laga reebo hubka Bastooladaha ah ee hay’adda ay soo bandhigtay.