Wararka Soomaalida
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar Muqdisho ku qabatay
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Aadan Koofi ayaa tababar oo ku saabsan keydinta xogta Socotada iyo diyaarinta warbixinada uga furay magaalda Muqdisho qaar ka tirsan saraakiisha ka howlgala bar-xuduudeedyada dalka.
Agaasimaha ayaa tilmaamay in Saraakiisha ka howlgala xuduudaha dalka ay yihiin ilaaliyaasha Qaranka isagoo ku guubaabiyay saraakiisha in ay dhowraan amniga iyo shuruucda dalka gaar ahaan Sharciga Socdaalka dalka.
Dhanka kale Agaasimaha oo sharaxaad dheeriya ka bixinayay sababta loo badiyay bar-xuduudeedyada laga soo galo ama looga baxo dalka ayaa sheegay in ay tahay ballaarinta adeegga Socdaalka wuxuuna Agaasimuhu ku booriyay saraakiisha tababarkan loo furay in ay dhowraan xuquuqda dadka socotada ah iyadoo la marsiinayo shuruucda dalka.
Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ayaa carabka ku adkeeyay in saraakiishu ay ilaaliyaan sirta xogaha dalka isla markaana hagaajiyaan wadashaqeynta Hay’adaha kale ee ka howlgala xuduudaha dalka.