Wararka Soomaalida
Heshiis dhanaystiran oo lagu gaaray Xeraale
Ka dib markii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre heshiis nabadeed uu kala dhax dhigay beelaha dega Xeraale iyo Huurshe ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta dhamaystirka heshiiskaas wuxuu ka dhacay degmada Xeraale.
Adkaynta heshiiskii lagu kala saxiixday degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud oo uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre udub dhaxaadka u ahaa maantana qodobadii ugu dameeyay lagu dhamaystiray Xeraale ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah Xildhinaanada labada aqal ee Soomaaliya.
La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ahna xariiriyaha tubta siyaasadda loo dhanyahay Prof.Yaxye Cali Hareeri ayaa munaasabadda ka akhriyay heshiiska oo ka kooban 10 qodob ayna saxiixeen guddigii loo xil saaaray dhammeystirka heshiiska nabadda ee reer Xeraale iyo reer Huurshe lagu heshiisiiyay.
Dhammaan dhinacyadii munaasabadda saxiixa xeerka ka hadlay oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin heshiiska la gaaray, ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahadceliyay geeddi socodkii guulestay ee nabadda bulshada deegaannada Xeraale iyo Huurshe.
Xildhibaan Sakariye Xasan Gaashaan oo kamid mudanayaasha deegaan doorashadooda tahay Xeraale oo munaasabadda goob joog ka ahaa ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay wadajir uga qayb qaataan ilaalinta heshiiska maanta la saxiixay, si horumar loo gaaro, looga baaqsado dib udhac soo gaara bulshada iyo deegaanka ay ku nool yihiin.