Wararka Soomaalida
Heshiis ku saabsan hub kadhigsta ONLF oo ka dhacay Jigjiga
Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Maamulka Soomaali State ayaa waxaa ka dhacday xaflad balaaran isla markaana ku saabsan heshiis looga goleeyahay hub kadhigista Jabhadda ONLF ka dib markii Dowladda federaalka itoobiya iyo Madaxda ONLF ay ku heshiiyeen in Jabhaddu ay hubka dhigto. Heshiiskan oo lagu saxiixay Magaalada Addis ababa ayaa waxaa uu qeeyaxayaa in Ciidamada ONLF […]
Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Maamulka Soomaali State ayaa waxaa ka dhacday xaflad balaaran isla markaana ku saabsan heshiis looga goleeyahay hub kadhigista Jabhadda ONLF ka dib markii Dowladda federaalka itoobiya iyo Madaxda ONLF ay ku heshiiyeen in Jabhaddu ay hubka dhigto.
Heshiiskan oo lagu saxiixay Magaalada Addis ababa ayaa waxaa uu qeeyaxayaa in Ciidamada ONLF ay hubka dhigaan ka dibna lagu biiriyo Ciidamada Maamulka Soomaali State.
Is,afgaradkan dhexmaray Madaxda dowladda federaalka itoobiya iyo Saraakiisha ONLF ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha KMG ah ee Soomaali State Mustafe Cagjar iyo Gudoomiyaha Xisbiga dimuquraaddiga shacabka Soomaali Galbeed Axmed Shide.
Waxaana qalinka laguwada xariiqay in ONLF hubka ay dhigaan ka dibna lagu biiriyo Ciidamada Maamulkaas iyo in ONLF qayb muhiim ah laga siiyo Maamulka Soomaali State iyo in kaalin mugleh ay ka qaataan OLNF dib udhiska Maamulkaas.
heshikskan dhinaca ONLF waxaa u saxiixay Gudoomiyaha ONLF, Soomaali State Mustafe Cagjar dhinaca itoobiya Abiy Axmed sida aan xogtan ku helnay waxaana dhaqan gelinta heshiiskaas xalay Xafladda loogu qabtay Magaalada Jigjiga.
Ciidamada ONLF ee Hubka laga dhigayo ayaa tiradooda waxay gaareysaa 1,740 ruux kuwaasoo durbadiiba Hubkoodii lagu wareejiyey Ismaamulka Soomaalida ee dhulka itoobiya sida lagu xusay heshiiskan lagaaray.
Ciidamada hubka dhigista lagu sameeyey ee ONLF ayaa fursad u heysta in ay ka mid noqdaan Ciidanka amaanka ee dowlad degaanka Soomaalida ama in ay ka mid noqdaan shaqaalaha dowlad ismaamulka Soomaalida sida ay sheegeen Siyaasiyiinta deegaankaas ka soo jeeda.
Wararka aan ka helayno Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Saraakiisha Jabhadda ONLF ay ogolaadeen heshiiskan hub kadhigista ah kadib markii laga gudoomay in ciidamadooda ay ka mid noqdaan ciidamada amaanka Soomaali State islamarkaana xubno u matala dhinaca ONLF loo ogolaaday in ay maamulka qeyb ka noqdaan sida ku cad heshiiska la wadagaaray.