Wararka Soomaalida

Hogaamiyaasha Xisbiyada oo booqday dhaawacyada

Published

on

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa booqday dhaawacyadii qaraxii ka dhacay Ex-Control Afgooye ee ku jira Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaasha ayaa mid mid udul istaaga dhaawacyada waxayna Alle ugu baryeen inuu ubooga dhayo inta dhimatayna ilaahay dambigooda dhaafo Janadiisana uu geeyo.

Dhinaca War-Saxaafadeed ay soo saraareen Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda Soomaaliya inay la yimaadaan qorshe lagu sugi karo amniga Muqdisho waxayna intaas ku dareen in shacabka Muqdisho ku dhaqan lagu sii hayo caburinta iyo jidadka oo laga xiray taas beddelkeedna Dowladdu ay la timaad istiraatiijiyad ka duwan tii lagu soo fashilmay seddexdi sano ee la soo dhaafay ay ku soo shaqeeyeen.

Trending

Exit mobile version