Wararka Soomaalida
Hogaanka AMISOM oo war ka soo saaray dilkii Almaas Elman
Taliska AMISOM ayaa maanta markii ugu horeeysay ka hadlay warna ka soo saaray dilkii Almaas Elman Cali Axmed oo 20 bishan November dil loogu gaystay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
AMISOM ayaa xaqiijiyay in Almaas Xabad ay ku dhacday xili ay ka soo baxday shir Xalane ugu qayb gashay kuna socotay garoonka Aadan Cadde waxayna Taliska AMISOM intaas warkooda ku dareen in gabadha gaariga ay ka saarneed qaybta gadaal iyadoo gaarigaas ku wada socdeen seddax ruux oo kala ah Almaas,shaqsi ragg ah iyo darwalkeeda oo isana rag ah.
Warkan ka soo baxay AMISOM ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in Xabada kaliya ay ku dhacday Almaas intii kale ee la socotayna waxba soo gaarin taasoo miijinaysa in gabadha la toogtay sida AMISOM warka ka soo baxay ku sheegeen.
“AMISOM waxay si wada jir ah ula shaqeyneysaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada amniga Soomaaliya si ay si buuxda ugu baaraan geerida naxdinta laheyd ee ku timid Marwo Almaas Elman Cali Axmed, oo ku dhacday rasaas 20-kii November ka dhacday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay hogaanka Ciidamada AMISOM.
Dilka Almaas Elman Cali Axmed ayaa wuxuu abuuray shakibadan iyadoo ilaa hadda jirin cid loo soo qabtay falkaas dilka ah.